Maahmaahdu
waa hadal murtiyeed, inta badan ka hadasha waayo aragnimo ama dhacdo qof soo martay Kadibna uu ka reebo erayo xikmadaysan oo cabiraya dhacdadiisa saamayna ku leh nolol maalmeedka bulsho waynta uu af ahaan iyo dhaqan ahaanba ka tirsan yahay. Soomaalidu waxay ku jirtaa dadka aad loogu tilmaamo inay leeyihiin luqad hodan ah oo u suurto galisay inay reebi karaan oraahyo nuxur leh oo xambaarsan macna xeel dheer, jirina karta inta ay jiraan dad isticmaala luqadaa.
Maahmaahooyinka caan baxay
waxaa ka mid ah maahmaah koobtay dhamaan Banii'aadamka da'diisa taasoo leh sidan:
- Toban Jir hala kaftamin:(Ileyn haddii ka kaftan badisid waxaa lagu leeyahay ninka weyn ee caruurta la caytamaayo, haddii uu kaa kaftan badshane waa laguugu qoslaa labada marba adaa sidaa ku dhi siil iyo gusSababtoo ah labaatan jir markuu yahay qofka ayuu xoog biloow yahay mana daalaayo).
- Sodon jir sariirtiisa lama seexdo(Ileyn meel kasto oo jiro waa ka imaanaa).
- 40 jir ....
- 50 jir lalama gartamo(da'diisa weyn iyo khibrada oo u leeyahay garta ayuu kuugu dilaa).
- 60 jir iyo lex jeclo(da'daa markuu gaaro ayuu insaanka ugu wax jecelyahay duunyo iyo dadba).
- 70 jir sariir lala ma wadaago(Ileyn ma seexanaayo xaago iyo qufac ayaadan ka joogi karine).by Amke boorama
Hadaba halkan ka download garayso ama ka degso appkan oo ku shubo mobile kaaga
No comments:
Post a Comment